Optus oo baad la waydiistay markii loo dhacay macluumaadkii macaamiisheeda

Kooxda ka danbaysay weerarka dhanka internet-ka ee lagu qaaday Optus ayaa ku hanjabay inay sii daynayaan macluuadka xasaasiga ee ay gaarka u leeyihiin macaamiisha haddii $1.5 milyan oo madax furasho la bixin waayo, siday ay sheegeen quburo ku taqasustay amniga internteka.

Close up of an Optus sign in a window.

Hackers have allegedly released the personal details of thousands of Optus customers after a massive data breach. Source: AAP / Bianca De Marchi

Key Points
  • Hackers say they have released 10, 000 Optus customer records.
  • Details of up to 9.8 million Australians were accessed during a data breach.
Macluumaadka xasaasiga ee 10,00 oo ka mid ah macaamiisha Optus ayaa sida la sheegay ay banaanka u soo saareen kooxdii u dhacday Optus todobaadkii la sii dhaafay.

Macluumaadkan oo si dharci daro ay kooxda ku heshay ayaa waxaa ka mid ah baasabooro, laysano, da'da dhalaso iyo cinwaanka guryohooda, sida uu sheegay Jeremy Kirk oo amniga internetka ku taqasusay.

Mr Kirk oo sheegay inuu xiriir la sameeyay kuwa masuulka ka ah weerarka Optus ayaa sheegay inay sidoo kale ku hanjabeen inay tiro intaa le'eg soo daynayaan maalin walba inta laga bixinayo $1.5 milyan oo madax furasho ah.

Qoraal Talaado subixii ka soo baxay Wasiirada Arimaha Gudaha Clare O'Neil ayaa lagu sheegay inay wax aad looga walaaco ay tahay wararka sheegaya in macluumaadka shaqsiyeed oo ay ka mid yihiin lambarka medicare ama la iska siidaayay ama madaxa furqasho lagu rabo.

"Lambarka Medicare hore nalooguma sheegin inuu qayb ka yahay macluumaadka la jabsaday," ayay tiri.

"Macaa,iishu xaq ayay u leeyihiin inay ogaadaan macluumaadka gaarka u ah qofka ee la jabsaday. Taa ayaana ah tan mudnaanta koowaad la siinayo.

Ms O'Neil ayaa sheegtay in dawladu aysan waxba kala harayn awoodeeda inay ka shaqayso sidii looga jwaabi lahaa xad gudubkan.

Sidee looga hortagi karay weerarka interntka ah?

Wasiirka adeega dawlada Bill Shorten ayaa sheegay in Optus looga baahan yahay inay shaqo intaan ka fiican qabato.

"Inta aan kala socdo, Optus shaqo ku filan ma qaban..si ay u difaacdo macaamiisheeda, waxaana loo baahan yahay inay si taxadar ku jiro ula socoto," ayuu ku yiri Janaal Nine Maanta.
"Waxaan samaynaynaa wax kasta oo gacanta ugu soo dhigi karno kooxda jabsatay Optus shakina iigama jiro in difaaca shirkadu uusan ahayn mid sidii la rabay ah,"

Mr Shorten ayaa sheegay in weerarkan internetka ah uu dhaliyay su'aalo la xariira imisa macluumaadka dadka ay shirkaduhu kaydin karaan iyo waqti intee la'eg ayay hayn karaan.

Ms O'Neil ayaa ABC u sheegtay Isniintii in weerarku uusan ahayn mid casriyasan.

Booliska Federalka Australia ayaa baaraya xad gudubka

Booliska Federalka Australia ayaa bilaabay baaritaan ay ku waadaan xad gudubkan lagu xaday macluumaadka dad qof.

Kaaliyaha taliyaha AFP Justine Gough ayaa sheegay in baaritaanka asalka xad gudubka ay tahay mid aad u adag.

Cutubka Booliska ee howshan loo xil saaray ayaa la shaqayndoona Optus, boolis dalal shisheeye iyo haydo kale oo Australian ah.


Ms O'Neil ayaa weerar afka ah ku qaaday Optus iyadoo ka haldaysa baaralmaanka maalintii Isniinta.

Waxay sheegtay in masuuliyada oo dhan ay dusha ka saaran tahay shirkada isgaarsiinta ee Optus, dawladuna ay isku dayayso siday ku xalin lahayd arintan.


Have you been affected by the Optus data breach? We want to hear from you. Contact SBS News at

Share
Published 27 September 2022 12:54pm
Source: AAP, SBS


Share this with family and friends